Golaha wasiirasdda Jubbaland oo shir ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa ku dhaaway in dhawaaqday in ay jareeb dhammaan xiriiiraddi ay la lahad Jubbaland Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku eedeeyey ku taqrifal awoodeed iyo kala qeybin.
Jubaland ayaa sheegtay in Xukuumadda Federaalka uu go’aankooda baalmarsanyahay sida hadalka ay u dhigeen Dastuurka Jumhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliyeed.
Sida oo kale warmurtiyeeedka waxaa ay wasiiraddu ku carrabaabeen in golaha lagu laalay waa sida hadalka loo dhigaye i”jiritaanka Dowlad xubin ka ah Dowladda Fedaraalka iyo Hey’adaheeda Dastuuriga ah”, taas oo ku tilmaameen inay ka dhigan “af-gambi cad” oo lagu sameeyay Dastuurka Qaranka ee ay XFS ku dhisantahay.
Waxaa ay sheegeen in shirkii goloha wasiiradda XFS ee lagu laalay sida ay qabaan dastuurkii dalka isku hayey in uu khatar ku yahay midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.
Dhanka kale, waxaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay eedeeyeen sida ay warkooda u dhigeen in uu ku sifoobay ku tumasho dastuur, tagrifal awoodeed, duminta yo kala geybtin Cidamada Qaranka, eex, musug iyo hantiboob, isaga oo hurinaya dagaalo sokeeya iyo isku dhacyo gabiil oo ku soo daabulaya deegaanada nabdoon ee
Jubaland ee Alshabaab laga xoreeyey tobannaansano ka hor.
Waxaa ay sheegeen in cidamo laga soo qaaday goobihii ay isku hor fadhiyeen Alshabaab hadda lagu burburinayo sdia ay tilaameen nidaamka dowladeed ee ka jira Jubaland.
Xukuumada Soomaaliya ayey ku eedeeyeen in Hay’daha Garsoorka ee ka dhisan gobolka Banaadir oo huwan magaca Ummdda soomaaliya iyo astaanta Qaranka ay bedeleen qaabkii Maxkamadihii badbaadadii kacaanka.
” Xukuumada JFS waxay u badashay Hay’daha Garsoorka ee ka dhisan gobolka Banaadir, huwanna magaca ummada soomaaliyeed iyo astaanta garanka qaabkii Maxkamadihii badbaadadii kacaanka, taas oo ka xayuubisay Madaxbanaanidii, haybadii, hufinaantii, dhedhexaadnimada iyo caddaaladii garsoorka, waxayna toos uga amar qaataan Madaxweynaha JFS oo u adeegsanaya xaqiijinta danihiisa shakhsiga” ayaa lagu yiri bayaanka.
Golaha wasiiradda ayaa go’aan ku gaaray in Jubaland si buuxda oo rasmi ah u joojisay xiriirka iyo wadashaqeynta Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, taasi bedelkeedane aysan aqoonsanayn dhammaan tallabooyinkii ay qaadeen oo ay ku sifeysay kuwa sharciga baalmarsan.
Ugu dambeyn waxaa ay go’aamiyeen in Jubbaland ay dhigto gogol wadatashi oo ay ka soo qeyb galayaan dhammaan saamileyda siyaasadda si looga tashado aayaha dowlad dhiska, midnamada iyo wadajirka Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV

