Kismaayo dadka ku nool oo la amray in dhamaan sawiradda madaxweynaha Soomaaliya la fujiyo

Maamulka Jubbaland warka ka soo baxay maanta ayaa lagu faray dhamaan goobaha sida maamuuska ah loo suray sawirada madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in laga fujiyo.

Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa Magaalada Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa amray dadweynaha Kismaayo in Sawirada Madaxweyne Xasan Sheekh laga fujiyo dhamaan Xafiisyada Dowladda, Goobaha Waxbarashada, Goobaha Ganacsiga, Guryaha iyo meel kasta oo uu sawirkiisa ku dhaganyahay.

Amarkan oo aan wax intaasi dheeri ah lagu darin ayaa imaanaya, iyada oo warqad soo qabasho ah u jartay Maxkamadda kismaayo sida hadalka loo dhigay madaxweynaha Soomaaliya.

Dadka ka aragti dhiibtay arinkan ayaa qaarkood sheegeen in wax micnaha soo kordhin karin sawir meel laga fujiyo, halka qaarkood ku taageereen maamulka degmada Kismaayo amarka ay soo saartay.

Weli Hay’adaha amniga Soomaaliya wax jawaaba ah kama bixin hadalada lidka ku ah madaxweynaha dalka ee ka soo baxay Maamulka Jubbaland.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed