Maxkamad ku taala Kismaayo oo warqad soo qabasho ah u jartay Madaxweynaha Soomaaliya

Warqad u muuqatay Deel-qaaf siyaasadeed oo lagu baahiyey Telefeshinka Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Maxkamadda Darajada 1-aad ee degmada Kismaayo ay amartay sida hadalka loo dhigay soo qabasho iyo Horkeenis Maxkamadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxakamadda ayaa Madaxweynaha u isticmaashay hadal adag oo u muuqda mid meel ka dhac ah, kaasi oo ah “Eedaysane” in laga dhigay.

Makamadda Darajada koowaad ee Degmada Kismaayo warkeeda ayaa lagu yiri “ Waxaa la farayaa Taliyaha Cidanka Booliska Dowladda Jubaland ee warqadani sida tooska ah ugu socoto in aad soo gabatid isla Markaasna horkeentid Makamadda Darajada koowaad ee Degmada Kismayo Eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud Calasow”.

Maxkamadda Jubbaland oo ku hadal qabsatay ama u ekeysiisay warqadeeda midii hore ee DFS ugu adeegsatay soo qabashada Axmed Madoobe ayaa ku sheegtay in uu ku eedeysan yahay in uu ku kacay Faldambiyeed lid ku ah sida hadalka loo dhigay Wadajirka iyo Midnimada Ummada Soomaaliyeed (Khiyaamo Qaran) iyo in uu ku Kacay falal u dambiyredyo lid ku ah
Codowga Ummadda-Soomaaliyeed oo ay ula jeedaan Alshabaab.

Dhanka waxaa ay ku eedeysay sida warka loo yiri “in uu ku kacay Falal Dambiyeedyada Burburin, Dil, iyo Hurin Dagaal Sokeeye, sidoo kale Ababulidda Kacdoon Hubeysan oo lagu burburinayo Nimaadka Dastuuriga ee Dalka”.

Maxakamadda Kismaayo ayaa sheegtay in ay baadi goobeyso ina Suuban Sabriye Axmed oo ku dhashay Jalalaqsi, taarlikh 1955-kii, kaasi oo Deggan Degmada Wardhiiglay-Gobolka Banaadir.

Warqada oo aan waxba kaga duweyn warqad Waaran ah oo galabta ka soo baxday Hay’adaha garsoorka Soomaaliya ayaa waxaa ka buuxa hadalo deel-qaaf siyaasadeed ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed