Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland ayaa saaka biiray kuwa Federaalka ee dhowaan la geeyay Magaalada Xeebta leh ee Raaskaambooni sida ilo xilkas ah u soo tabiyeen warbaahinta.
Ciidankaas ku biiray ayaa maanta lagu wadaa in la keenno Magaalada Muqdisho iyada oo diyaarad gaar ah laga soo saarayo deegaanka Raas-kaambooni si loo dejiyo meelo ay ugu talagashay Dowladda Federaalka.
Tira is khilaafsan ayaa lagu sheegay ciidanka ku gacanta dowladda galay, balse xisaabta ugu dhow waa in ka badan 50 askari oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Jubbaland, si gaar ah askartii loo diray in ay ka hortagaan ciidamada deegaanka dowladdu geysay.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in xalay doon ka baxday Magaalada Kismaayo ay la socdeen ciidamo ka tagay Magaaladaas kuwaas oo saakay gaaray Raaskaambooni, waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda la soo bandhigo, maadama ay gacanta dowladda galeen sida saraakiil lagu kalsoonaa karo xaqiijiyeen.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

