Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Guddiga Madaxa Doorashooyinka iyo Soohdimaha oo la dhigay guddi Qaran oo dastuuri ah ayaa waxaa uu mas’uul kaga noqon doonaa dowladda maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre Shirka golaha guddoomiyey ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’antahay in shacabka loo soo celiyo sida hadalka uu u dhiagay xaqa ay u leeyihiin inay doortaan cidda hoggaamineysa.
Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ay golaha ku dhawaaqeen ayaa ka kooban 18 xubnood waxaana ay kala yihiin:
1) Cabdikariim Axmed Xassan
2) Saadiq Abshir Garaad
3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan
4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo
5) Cumar Abuukar Cumar
6) Farxiyo Maxamed Yusuf
7) Dr. Cumar Jamac Maxamed
8 )Faarax Cabdi Xasan
9) Sahro Diiriye Muuse
10) Cabdullahi Salaad Yaroow
11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi
12) Cabdi Cadow Maxamed
13) Cabdishakuur Abiib Haayir
14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil
15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed
16) Naasir Maxamed Shire
17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici
18) Maxamed Cumar Ismaciil
HBN ONLINE TV