Wararka ka imaanata Magalada Ceel Fasher ee dalka Sudan ayaa sheegay in dagaalo ba’an ay maanta halkaasi ka qarxeen kuwaasi oo u dhaxeeya ciidanka milatariga iyo Ciidamada Gurmadka Degdega ah ee loo yaqaa RSF.
Ilo-wareed maxalli ah oo ku sugan magaalada ayaa u sheegay warbaahinta in isku dhac loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu saaka ka qarxay magaalada gaar ahaan dhanka bariga. Warka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Suudaan ay aroortii hore ee saaka duqeeyeen xarumaha RSF ee waqooyiga, bariga, iyo koonfurta magaalada Ceel Fasher.
Dhanka kale, dadkii ku noolaa tuulooyin badan oo ka tirsan gobolka Sennar ee horay uga qaxay aagaasi ayaa billaabay inay ku laabtaan guryahooda kadib markii ciidanka milatariga ay dib u qabsadeen deegaannadaas.
Muuqaallo fiidyow ah ayaa muujiyey muwaadiniinta oo u dabaaldagaya ku laabashadooda guryihii laga barakiciyey ee ku yaalla deegaannada Kirkuk, Dindar, iyo Suki, halkaas oo ciidanka milatariga ay bilaabeen inay ka bixiyaan gargaar bani’aadanimo. Deegaannadan ayaa horay ula kulmay biyo iyo koronto la’aan kadib markii RSF ay boobtay saddexdii bilood ee la soo dhaafay.
Ciidanka Suudaan oo ay taageerayaan kooxo hubeysan oo rayid ah oo ay milatariga tababareen ayaa dib ula wareegay magaalada Sinja, oo ah caasimadda gobolka Sennar, kadib markii ay khasaarooyin badan gaarsiiyeen xooggaga RSF kuwaasi oo isagu jira dhanka qalabka iyo askartaba.
Hase yeeshee, RSF ayaa qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ku sheegtay inay si xeelad milatari ah uga baxday Sinja.
Isla wararkaa, Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa dhowaan ansixiyey qaraar ku tilmaamaya ficillada RSF iyo maleeshiyaadka la jaalka la ah ee ku sugan Darfur inay yihiin xasuuq. Qaraarkan ayaa xiganaya warbixinno badan iyo bayaano muujinaya tacadiyo baahsan oo lagula kacay qowmiyadaha aan Carabta ahayn, gaar ahaan dadka Masaalit, tan iyo markii dagaalka RSF iyo ciidanka Suudaan uu cirka isku shareeray bishii Abriil ee sanadkii 2023.
Dhanka siyaasadda, madaxa Golaha Sare ee Suudaan, Cabdulfataax Al-Burhan, ayaa saaka safar ku tagay maagalada Asmara ee caasimadda Eritrea, safar rasmi ah, sida ay ku warrantay warbaahinta Golaha Sare. Intii lagu guda jiray safarka, Burhan ayaa wada-hadallo la yeeshay madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, waxaana ay ka wadahadleen xiriirka labada dal, hababka loo xoojin karo iskaashiga, iyo arrimaha labada dhinac ay wadaagaan, sida ay sheegtay warbaahinta Sudan.
Madaxa Golaha Sare waxaa socdaalka ku wehelin doona Wasiirka Dhaqanka iyo Warfaafinta Khaled Al-Aissar iyo Agaasimaha Guud ee Sirdoonka Guud, General Axmed Ibraahim Mufaddal.
HBN ONLINE TV

