Muqdisho oo laga mamnuucay dumarka raaca Mootada labada lug leh

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ka hadlay dibadbax ka dhacay Caasimadda ayaa mamnuucay in gabdhahu raacaan Mootooyinka labada lug leh ee loo yaqaan Fekon oo muddooyinkii dambe lagu arkayay qaybo ka mid ah Gobolka oo si xowli ah ku socotay.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in la xiri doonno gabadhii lagu arka iyada oo raaceysa Mooto Fekon, halka uu u fasaxsay laamaha amniga in ay la wareegaan Mootadii lagu qabto falka.

“Waxa aan maanta mamnuuceynaa Gabadh mooto fekon ama Vespo gadaal ka raaceysa, gabadhii lagu arko waa xarrig, mootadana waa lala wareegayaa, Askarta waa ay u xilsaaran yihiin in ay arrintaas kahortagaan” ayuu yiri Duqa Muqdisho Madaale.

Dhinaca kale waxa uu amar ku bixiyay in la joojiyo Dhallinyarada isugu soo baxda degmooyinka Gobolka Banaadir ee sheegaya in ay suugaan iyo qoob ka ciyaar ku muujinayaan Amniga Magaalada Muqdisho, waxa uu si gaar ah ugu digay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka.

“Waxa aan la dagaalameynaa kuwa dhahaya amniga Muqdisho ayaa muujineynaa ee Jidka xaaraan iyo fisqiga keenaya, iyagana waa mamnuuc, Degmadii lagu qabto muusig & wax xaaraan ah waan la dagaalameynaa, waxaa loo baahan yahay in alle laga cabsado oo laga fogaado wixii dalkeenna burbur u keenaya ama cadaw uga faa’iideysanaya in aan laga shaqayn” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye Madaale.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xili todobaadkii hore ay Muqdisho lagu qabtay Qabtay Barnaamij laga gollahaa in maamulada degmooyinka ku soo bandhigaan wax qabadkooda iyo isku xirka bulshada, wallow amarka Duqa Muqdisho uu hadda ka hor imaayo in la sii wado.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed