Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Pakistan ayaa maanta sheegtay in 4 askari oo ka mid ah ciidamada ammaanka lagu dilay halka 70 kale lagu dhaawacay iska horimaadyo ka dhacay magaalada Islamabad, halkaas oo kumannaan taageerayaasha Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ay saaka gudaha u soo galeen caasimadda Pakistan iyagoo ka kala yimid gobolo kala duwan oo dalka ah, waxaaana ayadeegsanayay xoog si ay jebiyeen xayndaabyada booliisku dhigeen wadoohinka magaaladaa.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa soo werisay in kumanyaal dibadbaxayaal ah iyo booliisku ay isku dhaceen iyadoo ciidamada ammaanka ay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa, iyo rasaas cinjirka ka sameysan, waxaa sido kale la jaray internet-ka meelo badan oo dalka ka mid ah.
Waxaa jira warar sheegaya in dibadbaxayaal hubeysan ku hubaysan budad iyo ulaha dhamaska ah ay weerareen ciidamo booliis ah oo ku sugnaa goob ku taal galbeedka Islamabad, oo u jirta wax ka yar 10 kiilomitir goobta ay doonayeen inay gaaraan, oo ah xarun ay ku yaallaan dhismayaasha dowlada oo ay qorshaynayaan inay qabsadaan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Pakistan ayaa ku eedaysay waxa ay ku tilmaantay “qaswadayaasha” in ay gawaari jiirsiiyeen saraakiisha ammaanka, halka Ra’iisul Wasaare Shahbaz Sharif uu ku sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa: “Tani ma ahan bannaanbax nabadeed. Waa xagjirnimo.”
Sharif ayaa cambaareeyay dhiigga daatay, isagoo sheegay in ujeedadu ahayd in la gaaro waxa uu ku tilmaamay “shirqoollo siyaasadeed oo shar ah,” isagoo xusay in qaar ka mid ah gaadiidka ay wateen dibadbaxayaasha ay jiireen saraakiisha ammaanka, taas oo sababtay dhimashada askarta.
Xisbiga PTI ee uu hoggaamiyo Imaran Khan wali kama uusan hadlin eedaha dowladda, halka wakaaladda wararka ee Reuters ay soo xigatay markhaatiyaal sheegaya in xaaska Mr Khan, Bushra Bibi, iyo la-taliyihiisa ugu muhiimsan Ali Amin Gandapur, oo ah madaxa gobolka Khyber Pakhtunkhwa, ay hoggaaminayeen bannaanbaxa subaxnimadii hore ee Talaadada ku jihaysnaa Islamabad.
Afhayeenka booliiska magaalada caasimadda, Maxamed Taqi, ayaa warbaahinta u sheegay in tan iyo Axaddii mas’uuliyiintu ay ku daabuleen in ka badan 20,000 oo xubnood oo ka tirsan ciidamada ammaanka agagaarka iyo gudaha Islamabad.
Ciidamada ammaanka ayaa adeegsanayay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta caagga ah si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha ku soo siqayay caasimadda, kuwaas oo socodkooda bilaabay Axaddii, iyaga oo ka jawaabayay baaqa Imran Khan, oo 72 jir ah, oo ku booriyay taageerayaashiisa inay u socodaan baarlamaanka si ay u dhigaan fadhi ay ku dalbanayaan sii deyntiisa.
Imran Khan waxa uu xirnaa muddo ka badan hal sano, waxaana laga soo oogay in ka badan 150 dacwadood oo ciqaabeed. Dowladdu waxay xiratay waddooyinka waaweyn iyo jidadka magaalada Islamabad iyadoo adeegsanaysa konteenarro xamuul ah, sidoo kale waxay daabushay tiro badan oo booliis iyo ciidamada ammaanka oo ku qalabaysan agabka lagula tacaalo rabshadaha.
Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegaysa in ku dhawaad 100 taageeraayasha Mr Khan la xiray intii ay socdeen dibadbaxyada rabshadaha wata.
HBN Online TV

