Maxaa ka cusub xaaladda gobolka Gedo iyo Jubbada Hoose

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo Cabdulaahi Cabdi Jamac Shimbir iyo mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo ay galbinayeen ciidamada Dowladda Federaalka ayaa ka degey magaalada Garbahaarray.

Duqa gobolka oo ka soo horjeesaday doorashadii Kismaayo uu ku soo baxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in dadka uu matalo ay diidan yihiin wixii ka soo baxay Kismaao, isaga oo ku tilmamay mid sharci darro ah.

Guddoomiye Shimbir oo shir jaraa’id uu ku qabtay garoonka magaalada Garbahaarrey ayaa ku amray maamulka iyo guddoomiyaasha kale ee Gobolka in mowqifkooda ay ku cadeeyaan 48 saac gudahooda. Waxaa uu tilmaamay in aanay jirin meel dhexe oo la istaago.

Dhanka Jubbaland ayaa Guddoomiye Shimbir ku eedeysey musuqmaasuq, iyada oo sheegtey in uusan wax xil ah u heyn.

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ciidamo hor leh ka dejisey magaalada Raas-kaambooni ee gobolka Jubbada Hoose, iyada oo Jubbaland ku tilmaantay in arintan ay keeni karto xaalad isku dhac ah.

Gobolka Gedo ayaa markale u muuqda in uu ku laabtay xuddunta xiisadda DFS iyo Jubbaland, si lamid ah xilligii dowladdii hore.

DFS ayaa xalay soo saartay qaraaro ka dhan ah Madaxweyne Axmed Madoobe, iyada oo Garyaqaanka guud ee dalka la faray in uu dacwad ka dhan ah u gudbiso Maxkamadda Sare ee qaranka.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed