Mucaaradka Dowladda Soomaaliya sidee u arkaan soo laabashada Axmed Madoobe?

Xubnaha Mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya oo isugu jira Puntland iyo siyaasiin oo aqbalay natiijada doorashadii uu ku soo baxay maanta markii seddexaad Axmed Madoobe ayaa hambalyo u diray madaxaweynaha.

Dhinacyada siyaasadda oo si mideysan u taageeray Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in mudnaanta koowaad siiyo dib-u-heshiisiinta Jubbaland, la-dagaallanka Al-Shabaab iyo xasilloonida maamulka.

Puntland ayaa ugu baaqday Jubaland iyo shacabkeedaba in la illaaliyo oo laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida, iyada oo wixii kala aragti duwanaansho ahna u soo jeedisay in lagu xaliyo wadahadal.

Xisbiga madaxaweynihii hore ee dowladdii KGM Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyey doorashadii ka dhacday Kismaayo, ayaa ku eedeyey DFS in madaxda maamulada ay qasbeen sida hadalka loo dhigay muddo kordhin sharci darro ah.

“Doorashada Jubbaland waxay meesha ka saartay iskudaygii madaxda dowladda Federaalka ku qasbayeen dowlad goboleedyadda ee muddo kordhinta sharci darrada ah, taasoo ka soo horjeeda Dastuurka Federaalka iyo kan maamullada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka” ayaa lagu yiri warka Xisbiga Himilo Qaran.

Sida oo kale waxaa jira madax iyo siyaasiin ugu hambalyeey guusha uu ka gaaray doorashada Jubbaland madaxweyne Axmed Madoobe.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed