Ilyaas Bedel oo sheegay in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Jubbaland

Ilyaas Beled Gaboose oo sheegay in uu yahay madaxweynaha saxda ah ee Jubbaland ayaa sheegay doorashada maanta kismaayo loogu doortay Axmed Maxamed Islaam Madoobe ay aheyd midaan jirin.

Senator Ilyaas oo isku arka in uu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Jubbaland ayaa sheegay in uu dhacay isbedelkii la filayey, isaga oo ugu baaqay ciidamada sida uu hadalka u dhigay in cabsida laga daayo dadka shacabka ah, maadam dooraashaddiisii uu qabsaday ay aheyd midda saxda ah.

Waxa uu tilmaamay uu faray hay’adaha maamulka in ay sii shaqeeyaan inta uu ka soo dhisayo kuwa bedeli fogaado cabsi galinta iyo baqdinta magaalada ka jirto.

Laba maalin ka hor ayaa doorasho xubnaha mucaaradka ah ku qabsadeen magalada Kismaayo ku sheegay in Ilyaas Beled Gaboose loo doortay madaxweynaha Jubbaland, halka guddoonka baarlamaanna ay iska dhex doorteen.

Shalay waxaa maamulka Jubbaland isu soo dhiibay xubno sheegay in la qalday, ayna qeyb ka haayeen doorashadda xubnaha mucaaradka ah ku qabteen magaalada Kismaayo.

Xubnaha isbaddel doonka ah ee qaarkood ku sugan magaalada Kismaayo ayaa diidan doorashada maanta ka dhacday Kismaayo, waxa ay ku sifeeyeen mid ka fog caddaaladda isla markaana Axmed Madoobe uu si gaar ah u xirtay howshaan uuna sida hadalka ay u dhigeen isku doortay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed