Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo milatari, ka dib markii ay ciidamo dheeraad ka dajisay gobolka Jubbada Hoose oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho.
Ciidamada laga dejiyey garoonka deegaanka Raa-kambooni oo u dhow magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamul Jubbaland ayaa dowladdu sheegtay in sababta tahay loo geeyey halkasi la wareegitaanka Saldhiga oo ay kala wareegtay ciidamada ATMIS.
Taliyaha Guutada 18-aad ee Ciidanka GorGor G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay buuxda uga soo degeen garoonka deegaanka Raas-kambooni ee degmada Badhaadhe, iyaga oo guda doona waajibaadka iyo sii wadida howlgalada ka dhanka kooxda Ashsabaab.
War ay baahisay warbaahinta afka Dowladda ku hadasha ayaa lagu sheegay in ciidamada maanta laga dejieyy qeyb ka yihiin kuwa xoogga dalka ee howlgalka Nabad ilaalinta midowg Afrika kala wareegaya goobaha baneeyaan.
Madxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada laga dejiyey Raas-Kambooni ay horseedi karaan dagaal dhexmara ciidamada qaranka gudahooda, kaasi oo joojinaya dagaalka lagula jiro Alshabaab.
HBN ONLLINE TV