Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta markale Baarlamaanka Jubbaland magaalada Kismaayo ugu doorteen madaxweynaha shanta sano ee soo socota ee maamulka Jubbalanad uu yeelan doono.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo loolanka tartanka ku wajahay laba musharax, ka dib markii uu tartanka isaga haray musharax Cabdi Xasan Xajiin ayaa codad aqlabiyad leh kaga qaaday xubnaha kale ee ay is wajaheen.
Doorashada Kismaayo ku soo gabagabowday oo isha lagu wada hayey ayaa badi la wada saadaalinayey in uu ku soo baxo karo madaxweyne Madoobe.
Marka loo barbar dhigo labada musharax codadka ay ka heleen doorashada ayaa isku darkooda marka la barbardhigo tan madaxweynaha guuleystay waxaa ka badan mida Axmed Madoobe.
Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa helay 55 cod, Faysal Maxamed Mataan ayaa helay 16 cod, halka Abuukar Cabdi Xasan uu isna helay 4 cod, mana jirin wax halaabay sida uu sheegay guddiga doorashada Jubbaland, isaga oo goobta lagu dhaariyey.
Doorashada Kismaayo ee lagu kala baxay wareegii koowaad ayaa musharaxiinta la tartamay Axmed Madoobe sheegeen in ay aqbayaan natiijada doorashada, iyaga oo u hambeeyey Madaxweynaha la doortay.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in waxkasta oo ka soo baxa ee natiijada doorashda aysan aqbali doonin, iyada oo ku tilmaantay mid sharci darro ah
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda JFS ayaa kol hore shaacisay in aysan aqoonsanayn Doorashooyinka Jubbaland, maadaama ay caksi ku yihiin Doorashada Qof iyo Codka ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyay.
Xubnaha isbaddel doonka ah ee qaarkood ku sugan magaalada Kismaayo ayaa diidan doorashada maanta ka dhacday Kismaayo, waxa ay ku sifeeyeen mid ka fog caddaaladda isla markaana Axmed Madoobe uu si gaar ah u xirtay howshaan uuna sida hadalka ay u dhigeen isku doortay.
HBN ONLINE TV

