ATMIS oo ku baaqay in xal nabadeed laga gaaro khilaafka doorashada ee Jubaland

Ururka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ku baaqay in la dejiyo oo wada hadal lagu dhameeyo xiisadaha isa soo taraya ee ku xeeran hannaanka doorashada ee dowlad goboleedka Jubaland.
Bayaan ay soo saartay maanta, ATMIS ayaa ku boorisay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay mudnaanta siiyaan nabadda iyo xasilloonida, iyadoo ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay in lagu xalliyo khilaafaadka. taasi oo loo marayo ka-qaybgal wax dhisid ah iyo u hoggaansanaanta sharciga.

“ATMIS waxa weli ka go’an taageeridda hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya iyo xaqiijinta xasilloonida dhammaan gobollada. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh hannaanka doorashada Jubaland inay is-xakameeyaan oo ay wada-hadal nabadeed ku xalliyaan khilaafaadka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Codsigan ayaa imaanaya iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda iyo sheegashooyinka iska soo horjeeda ee ku aaddan qaabka loo maamulay doorashada Jubaland, kuwaasoo soo jiitay indhaha dalka iyo caalamkaba.
ATMIS waxay dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay inay la shaqeyso maamulada maxalliga ah iyo federaalka si loo xoojiyo midnimada iyo ilaalinta amniga gobolka.

Waxaa kale oo carrabka ay ku dhufatay ATMIS baahida loo qabo wada-shaqeyn dhexmarta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, dowlad-goboleedyada, iyo jilayaasha siyaasadda si loo ilaaliyo mabaadi’da dimoqraadiyadda iyo ilaalinta horumarka qaranka ee nabadda iyo horumarka.

ATMIS ayaa war saxaafadeedkeeda ku soo gabagabeysay in dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay ka waantoobaan falalka sii hurin kara xiisadaha iyo xasiloonida Jubbaland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed