Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay barii doonaan dhacdadii shalay ka dhacday magaalada Kismaayo oo uu ku dhintay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska, iyaga oo si adag u cambaareeyay.
Waxaa lagu sheegay war Saxaafadeedka Booliska Soomaaliya in uu falkii uu dhintay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska uu ahaa fal aad u foolxun, halka cid walba oo ku lug yeelata uu sheegay taliska in lala tiigsan doono sharciga.
“Taliska waxa uu wada baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan sida ay u dhacday shaqaqadaas sarkaalkaas ku nafwaayay , waxaana lala tiigsan doonaa cid kasta oo ku lug yeelata sharciga waxaana laga qaadi doonaa talaabo adag” ayaa lagu yiri warka Booliska Soomaaliya.
Sida oo kale waxaa warka Booliska Soomaaliya lagu carrabaabay in falalka nuucaas oo kale ah la aqbali doonin.
“Falalka noocan oo kale ahna lagama aqbali doono cid kasta oo isku dayda inay waxyeello u geysato nabadda iyo amniga qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.
HBN ONLINE TV