Ciidanka Cirka ee Mareykanka ayaa maanta xaqiijiyey in dhowr diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo aan la aqoonsan cidda iska leh ama halka laga soo diray lagu arkay hawada saddex saldhig ciidan oo ku yaalla Britain maalmihii la soo dhaafay, sida ay baahisay wakaalada wararka ee PA Media ee Britain laga leeyahay.
Dhacdooyinku waxay dhaceen inta u dhexeysa 20 ilaa 22-ka Nofeembar, iyadoo diyaarado yar yar lagu arkay saldhigyada Lakenheath iyo Mildenhall ee ku yaalla Suffolk iyo “Feltwell” oo ku taalla Norfolk, oo ah saldhigyo ay leeyihiin Ciidanka Cirka Britain.
Ciidanka Cirka ee Mareykanka, oo saldhigyadaas isticmaala, ayaa sheegay in aan weli la hubin haddii diyaaradahaas halis wataan iyo in kale, iyadoon si degdeg ah loo ogaan halka ay ka yimaadeen.
Waxa kale oo ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan haddii habab difaac la adeegsaday, balse waxay tilmaameen inay xaq u leeyihiin inay “ilaaliyaan” goobahaas.
Afhayeen u hadlay Ciidanka Cirka ee Mareykanka ee Yurub ayaa sheegay in diyaaradaha aan la aqoonsan ay kala duwanaayeen tiradooda, cabbirkooda, iyo qaabkooda.
Waxa xusid mudan in saldhiga milateri ee Mareykanka ee “Lakenheath” uu yahay kan ugu weyn ee Mareykanka ku leeyahay Yurub.
Sidoo kale, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa socdaallo basaasnimo ka sameeyey Norway bishii Agoosto, halkaas oo lagu soo warramay in ay ku wareegeen warshadda soo saarta gantaallada ka hortagga maraakiibta ee Kongsberg.
Waqrqabadka HBN Online TV