Jubbaland oo ku goodisay in garoomada Gedo “Dhagxaan ku jari doonto” inta doorashadu socoto

Wasiirka waraadda amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal ayaa sheegay in waxkasta ay sameyn doonaan si ay u dhacdo doorashada madaxweyne ee hadda ka socota qababan qaabadeeda magaaalada Kismaayo.

Wasiir Dhuumaal oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay, jiritaanka damacyo banaanka ah oo sida uu hadalka u dhiagay doonaya in ay istimaalaan Garoomada gobolka Gedo, balse aanay suurtagal aheyn in la carqaladeeyo arimaha doorashada ee socda.

Ma uusan sheegin wasiirka amniga Jubbaland cidda dooneysa in garoomadaasi isticmaasho, balse waxaa uu carrabka ku dhuftay in ay diideen ka maamul ahaan diyaaradaha sida qaldan u isticmaalaya sida uu hadalka u dhiagy garoomada Gedo, inkasta oo taasi saameyn doonin kuwa rayidka.

“Doorashada intay ka dhaceyso Diyaaradaha gobolka Gedo tagaya oo sida qaldan u socda waa iska celineynaa, laakiin kuwa rakaabka oo caadiga ah oo dadka daldalaayo waa soo dhaweynaynaa” ayuu yiri wasiir Dhuumaal.

Dhanka kale waxaa uu sheegay haddii ay ku kalifto in awaamiirtooda la fuli waayo in garoomada ay dhagxaan ku jari doonaan inta doorashada ka dhaceyso.

“Hadday nagu kalifto xitaa dhagaxaan ku daadeynaa garoomada inta doorashada ka dhamaaneyso” ayuu sii raaciyey.

War saxaafeed ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa loogu baaqay diyaaradaha Qaramada Midoobey iyo ATMIS in aan loo adeegsan sida warka loo dhigay dano gaar ah oo u adeegaya cid gaar ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed