Guddiga doorashada Jubbaland iyo kan golaha wakiillada oo galinkii dambe ee maanta Kismaayo kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la soo gabagabeeyey diwaangalinta iyo arji qabashada musharaxiinta doonaya in ay u tartamaan doorashada maamulkaas.
Gudoomiyaha Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland Mursal Siyaad Maxamed oo ay weheliyaan ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha gudiga golaha Wakiilada ee u qaabilsan doorashada Jubbaland ayaa u diwaan galiyeen 4 musharax oo uu ku jiro madaxweyne Axmed Madoobe xubnaha ku loolami doona doorashada.
Sida oo kale guddiga ayaa sheegay in xubnahan la siiyey shahaadooyinka ay baarlamanka ka hor jeedin doonaan qudbadahooda musharaxnimo maalinta beri oo Axad ah, iyaga oo soo bandhigi doona wax qabadkooda.
“Maadama intii ay daacadda ka aheyd in ay is sharaxaan ay is diwaan galiyeen, 4-taa musharax buu guddigga madax banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Jubbaland u aqoonsan yahay in ay yihiin musharaxiin rasmi ah” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Jubbaland Mursal Siyaad Maxamed.
Hadalkan ka soo yeeray guddiga doorashada ayaa muujinaya in ay ku hungoobeen xubnaha musharaxiinta ah in ay ka qeyb noqdaan doorashada madaxweyne ee ka dhaceysa magaalada Kismaayo.
HBN ONLINE TV