Iyadoo ay ka sii darayso xiisada ka aloosan Gacanka Kuuriya, ayaa xukuumada Kuuriyada Waqooyi waxay maanta si adag u cambaareeysay dhoola-tuskii Millatari ee ay dhawaan si wada jir ah ay u sameeyeen Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Jabaan, iyaga oo ka digay in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah haddii loo baahdo si ay u difaacaan dalkooda.
Toddobaadkii hore, Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Jabaan waxay sameeyeen dhoolatus wadajir ah oo socday saddex maalmood, kaasoo loogu magac daray “Freedom Edge”, kaasi oo ay ka qaybgaleen diyaarado dagaal iyo kuwa ilaalada badda iyo sidoo kale markabka xambaara hubka Nukliyeerka ee Mareykanka, USS George Washington.
“Waxaan si adag uga digaynaa Maraykanka iyo taageerayaashiisa cadowga ku ah Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee dadka Kuuriya in ay si deg deg ah u joojiyaan falalka cadowtinimada ah ee sii kordhinaya daandaansiga iyo xasilooni darada taasoo keeni karta iska horimaadka militari oo ka dhaca Gacanka Kuuriya iyo nawaaxigiisa, isku dhacaas hubaysan oo ah mid dhab ah,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Waqooyiga.
Milatarigu waxa uu qaadi doonaa dhammaan fursadaha la heli karo, waxana uu qaadi doonaa tallaabooyin degdeg ah haddii loo baahdo si ay si kadis ah u uga horyagaan khatarta, iyaga oo si dhaw ula socda dhaq-dhaqaaqyada milatari ee Maraykanka iyo xulafadiisa, ayaa lagu yidhi bayaan ay siisay wakaalada wararka Kuuriyada Waqooyi ee magaceeda loo soo gaabiyo KCNA.
Warqabadka HBN Online TV