Mucaaradka Jubbaland oo Kismaayo ku doortay madaxweyne iyo guddoon baarlamaan oo cusub

Xubnaha mucaaradka ah ee Jubbaland ayaa sheegay in maanta doorasho ka dhacday Ksimaayo ay ku doorteen, Madaxweyne, Gudoomiye iyo guddoonka Baaramaanka Jubbaland.

Siyaasiyiinta mucaaradka Jubbaland ayaa shaaciyey in Madaxweyne ay u doorteen Senator Ilyaas Gaboose, kaasi oo maanta ilaaladiisa iyo ciidanka Booliiska Jubbaland uu dhexmaray iska hor imaad khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay.

Maamulka Jubbaland ayaa hore DFS ugu eedeeyey in ay qalalaase ka waddo magaalada Kismaayo, iyaga oo uga digay in faragalin ay ku sameyso doorashada hadda socota.

Dhanka kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay maamulka Jubbaland in uu ka hurinayo Kismaayo dagaal sokeeye, kaasi oo dhibaato ku ah sida hadalka ay u dhigtay bulshada degan Jubbaland.

Guddiga doorashooyinka ayaa maanta Kismaayo ka wada shaahaado siinta musharaxiinta doonaya in ay u tartamaan doorashada madaxweyne ee Jubbalnad.

Sida uu qorshuhu yahay waxaa doorashada madaxweynaha Jubbaland la qaban doonaa 25-ka bishaan Nofembar sida uu muujinayo jaantuska guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee xuduuudaha oo soo qabtay doorashada guddoonka golaha Wakiillada Jubbaland.

War Saxafeed ka soo baxay xubnaha beesha caalamka ayaa madaxweynaha Jubbaland loogu baaqay in uu miiska wada hadalka ku soo laabto ka hor inta aan la qaban doorashada madaxweyne, wallow uusan wax jawaab ah ka bixin warka beesha caalamka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed