Musharax Xildhibaan Cabdi Baaley Xuseen ayaa kaga adkaaday guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha Baarlamaanka Jubbaland Xildhibaan Cabdirashiid Cali Maxamuud oo kula loolamay.
Mudanayaasha golaha wakiillada Jubbland ayaa Kismaayo maanta ugu doortay Gudoomiye ku xigeenka 2-aad Cabdi Baaley oo helay 51 cod, isaga oo Xildhibaan Cabdirashiid Cali oo uu ka adkaay uu helay isna 22 cod, sida uu sheegay guddiga doorashda maamulka Jubbaland.
Masuuliyiinta oo mid walba aqbalay natiijada guddiga ku dhawaaqay ayaa sheegay in wada shaqeyntooda Baarlamaanka ay halkooda ka wadi doonaan, waxaana mid walba uu tilmaamay in wax walba Jubbaland wajirkeeda iskaga kaasha doonaan.
Kismaayo oo maanta doorashda guddoonka golaha Wakiillada ka dhacday ayaa doortay guddoomiyaha, ku xigeenkiisa iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbalnd ee shanta sano ee soo socota.
HBN ONLINE TV