Suuqa sarifka lacagaha Somaliland ayaa maanta hoos u dhac laga dareemayaa, tan iyo intii la doortay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo isbedel si weyn uu ku dhacay Qiimaha Sarifka lacagaha Somaliland.
Warbaahinta gudaha ayaa soo tabisay in qiimaha oo awal ahaa 11-kun oo shillin oo wax yar la’, uu hadda marayo 9,400 oo shilinka Somaliland ah, isaga oo qasaaray 1.6-kun oo shillin.
Shacabka ayaa rejo weyn ka qaba in isbedelka Somaliland ka dhacay uu wax badan nolashooda ka bedelo, taasi oo ku aadan Xukuumadda la soo dhisi doono ee Madaxweyne Cabdraxmaan Cirro ay wax ka qabato.
Baanka dhexe ee Somaliland ayaa 21-kii Bishii Octoobar ee sanadkan qaaday tallaabo ku aaddan sarrifka doollarka oo sabbaynayay, ka dib markii suuqa soo galeen hadal heyn ah in Xukuumadda lacago cusub ay soo wado.
HBJN ONLINE TV