Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Sharciga Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wada jir ah oo ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa waxa ay ku ansixiyeen Sharciga Ururada iyo Axsaabta.

Sharcigan cusub oo dejinaya qaab dhismeedka urur siyaasadeedka iyo sameynta axsaabta Soomaaliya, ayaa taageero ballaaran uu ka helay sharci-dajiyayaasha.

177 Xildhibaan oo ka mid ah mudanayaadha ka soo qeyb galay kulanka ayaa u codeeyay sharcigan. Waxaa xusid mudan in aysan jirin wax cod ah oo diiday, waxaana ka aamusay hal xildhibaan oo kaliya.

Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ansixintan taariikhiga ah waxay ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo ku aaddan dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo hay’addeeda siyaasadeed iyo geeddi-socodyada dimoqraadiyadeed.

Sharcigan ayaa la filayaa in uu nidaamiyo xisbiyada siyaasadda iyo in uu kobciyo siyaasadda axsaabta ku dhisan, si loo sii horumariyo kala-guurka Soomaaliya ee loo marayo nidaam siyaasadeed oo xasilloon oo loo dhan yahay.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa bogaadiyay midnimada Baarlamaanka ee ansixinta sharciga, iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda uu u leeyahay horumarka dimoqraadiyadeed ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed