Madaxda dowladda Soomaaliya oo ka hadlay natiijada ka soo baxday doorashada axsaabta iyo madaxtinimo ee Somaliland ayaa soo dhaweeyey, iyaga oo hambalyo u diray madaxweynaha dooran Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in uu si dhow ula socday doorashada dadweynaha Soomaaliland ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Cirro iyo ku xigeenkiisa Maxamed Aw-Cali Cabdi.
Waxaa uu Hambalyo u diray sida oo kale xisbiyada kala ah Waddani, Kaah iyo Kulmiye natiijada ay ka gaareen doorashada, isaga oo bogaadiyey bisaylka iyo fahanka dowladnimada ee ay muujiyeen bulshada Soomaliland.
Waxaa uu timaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta labo geesoodka ah, taas oo muhiim u ah horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Sida oo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, kaasi oo ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada.
“Waxaan u hambalyeynayaa Walaalkay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay ayuu yiri “Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Dhanka kale, masuuliyiinta iyo xildhibaannada DFS ee laga soo doorto deegaannada Somaliland ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray madaxweynaha cusub ee Somaliland, iyada oo tilmamay qaarkood in la helo xal lagu xalin karo arimaha Somaliland iyo Soomaaliya.
HBN ONLINE TV