Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku andacooday in weerarkii aargoosiga ahaa ee Israa’iil ay bishii hore ku qaadday Iran uu hoos u dhigay difaaceeda iyo awoodeeda wax soo saar ee gantaallada, isla markaana la beegsaday qayb ka mid ah barnaamijkeeda Nukliyeerka, waa sida hadalka uu u dhigaye.
“Ma ahan sir,” Netanyahu ayaa ku yiri khudbad aqalka Knesset ama baarlaamanka Israa’iil, waxaana hadalkiisa ku daray “Waxaa jira qayb gaar ah oo barnaamijkooda nukliyeerka ah oo lagu beegsaday weerarkan.”
Inkastoo uu sheegtay in la beegsaday nidaamka nukliyeerka ee Iiraan, haddana Netanyahu wuxuu sheegay in wali qatarta Iiran ay tahay mid taagan oo aan si buuxda loo joojin.
Ma jirto cid madaxbannaan oo xaqiijin karta hadalkan uu ku andacoonayo Netayahu, iyadoo Iiraan ay si adag u beenisay in dhibaato wayn ay ka dhalatay weerarkii Israa’iil ay qaaday 26-kii bishii aynu ka soo gudubnay ee October.
Toddobaadkii hore, shabakada wararka ee Mareykanka laga leeyahay ee Axios ayaa shaaca ka qaaday in Israa’iil ay burburisay xarun cilmi baaris oo hub nukliyeerka ah oo ku taal deegaanka Parchin intii lagu jiray weerarkii bishii hore ee Iiran.
Masuuliyiinta sar sar ee Iiraan ayaa wacad ku maray in jawaab adag ay ka bixin doonaan weerarkaas iyagoo xaqiijiyay in Israa’iil ka shallayn doonto ficilladaas.
Netanyahu muddo dheer wuxuu waday olole ka dhan ah barnaamijka nukliyeerka Iiraan, waxaana marar badan oo ku celceliyay in Israa’iil aysan ammaan ahaan doonin haddii Iiraan hesho nukliyeer, waxaana inta badan uu ku riixaa dalalka reer Galbeedka oo Mareykanku ugu horreeyo in laga hortago wax uu ugu yeeray halista ka soo fool leh Iiraan.
HBN Online TV