Dacwad loo heysto haween Qaraxyada u kala daabula Alshabab oo Maxkamadda ka soo muuqday

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta u bilaabatay dhageysiga dacwad loo heysto 10 haween ah oo la shaqeynayey kooxda Alshabab, gaar ahaan arimaha qaraxyada iyo fududeyntooda.

Haweenkan oo meelo kala duwan ay ka soo qabteen ciidamada amniga ayaa waxaa la sheegay in ay ku howlanaayeen sida hadalka loo dhigay daabulida iyo qarinta walxaha qarxa iyo sahminta goobo bartilmaameed ahaa.

Dumarka la soo qabtay oo sheekooyinkooda silsilad isku xirxiran aheyd ayaa waxaa ka soo dhex muuqday haweeney la sheegay in muddo badan ay ka tirsaneyd kooxda, sida oo kalane aheyd keydka qaraxyada.

Haweeneyda oo magaceeda lagu soo koobay Xaawo ayaa kooxda la shaqeyneysay 12 sanadood, iyada oo u qaabilsaneyd sida ay baarayaasha kiiskeeda sheegeen gabaadsiin, heynta iyo kala daabulidda qaraxyada Alshabaab, halka qidmad dhan 120 Doollar ay ku sii jireen mar walba oo alaab fududeynteeda gacan ka geysato.

Sida oo kale, Baarayaasha kiisaskan ayaa sheegay in haweeneydaan ay sida oo kale ay gabaad siisay sida hadalka u dhigeen xubno aad loo baadi goobayey madaxooda (Wanted) ay gabaad siisay. Aabashaayaasha Ilmaheeda dhan ayaa la tilmaamay in ay yihiin Alshabaab.

Waxaa ay carrabaabeen in dhamaan qalabka ay ku soo qabteen goobteeda ganacsi haweeneydaan oo ah miiska lagu gado qudaarta ay ahaayeen kuwa ugu halisanaa.

Maxkamadda waxaa kale oo ka soo muuqday dumar kale oo jiidaha hore ugu tagay nimankooda oo ku kala sugnaa Galgaduud iyo deegaaano kale, waxaana ku jiray qoys la tilmaamay in uu ahaa mid gabaad lagu siiyada xaasaska Alshabaab.
Badi waxaa ay ka kala yimaadeen sida ay afkoodaba ka qirteen gobolada Shabeellaha Hoose iyo Baay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dhowrkii bil ee ugu dambeeyey soo bandhigay haweenkii ugu badnaa oo ku eedeysan la shaqeynta kooxda Alshabaab, wallow badi u ahaayeen xaasas iyo la howlgalayaal kale.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed