Kim Jong Un oo ku baaqay xoojinta awoodaha nukliyeerka ee Waqooyiga Kuuriya

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa ku booriyay khubarada dalkiisa inay xoojiyaan awooda nukliyeer ee aan xadidneyn isla markaana la dhamaystiro diyaargarowga dagaal, isagoo tixraacaya iskahorimaadyo milatari oo sii kordhaya oo ka imanaya dhinacyada ka soo horjeeda, sida ay werisay warbaahinta dowladda maanta.

Kim wuxuu hadalkan ka sheegay shirkii 4-aad ee Taliyeyaasha Guutada iyo Tababarayaasha Siyaasadda ee Ciidanka Dadka Kuuriya, kaas oo ka dhacay caasimadda Pyongyang, sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee magaceeda loo soo gaabiyo KCNA.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee shirkan noociisa ah la qabto muddo toban sano ah.
Kim wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Kuuriyada Waqooyi xoojiso awoodaha nukliyeerka si looga hortago dagaal. Wuxuu ku booriyay saraakiisha milatariga inay mudnaanta siiyaan isu diyaarinta dagaal, isagoo sheegay in dalka uu sii wadi doono horumarinta awoodaha isdifaaca iyada oo aan wax xaddidnaan ah jirin.

Wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay iskaashiga sii kordhaya ee u dhaxeeya Kuuriyada Koonfureed, Mareykanka, iyo Japan, isagoo ku tilmaamay mid khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida Gacanka Kuuriya.
Kim wuxuu sheegay in isbahaysiga milatari ee Mareykanka uu ku ballaarinayo saameyntiisa guud ahaan Yurub iyo gobolka Asia-Pacific.

Intaa waxaa dheer, wuxuu ku eedeeyay Mareykanka iyo xulafadiisa inay u isticmaalayaan Ukraine dagaal wakaaladeed oo lagula jiro Ruushka, iyagoo doonaya buu yiri inay ballaariyaan saameynta milatari ee Washington ee caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, Kim kama uusan hadlin eedeymaha ah in Kuuriyada Waqooyi ay ciidamo u dirtay si ay Ruushka uga taageeraan dagaalka Ukraine.

Hadalka Kim ayaa yimid xilli hoggaamiyeyaasha Kuuriyada Koonfureed, Mareykanka, iyo Japan ay ku kulmeen shirkii Aasiya-Baasifiga ee Dhaqaalaha ee (APEC) oo ka dhacay dalka Peru, halkaas oo ay si adag ugu cambaareeyeen xiriirka milatari ee sii kordhaya ee u dhexeeya Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka.

Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa xaqiijiyay in askarta Kuuriyada Waqooyi ay ka qeyb galeen dagaallada lagula jiro ciidamada Ukraine oo ka socda gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed