Dagaal khasaare dhimasho iyo dhawaac ah sababay oo ka socda Galgaduud

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha xooggan oo ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee Galgaduud.

Dagaal oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Labi-caano oo bariga0 uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Ilo dadka deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana maleeshiyaadka ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Ugu yaraan 11 qof ayaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooada dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan oo isugu jiro dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka dagaalamay ay isku heystaan daaq iyo waraab, waxayna ka soo kala jeedaan magaalooyinka Ceelgaras iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhinacyada dagaalamaya ay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan halka lagu dalaamayo.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Galmudug, balse waxaa lagu soo warramayaa in ciidamo ka tirsan maamulka ay ku baxeen dagaalkaasi, si loo qaboojiyo dagaalka.

Gobollada dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay colaad beeleedyo saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaannada hoostaga gobolladaasi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed