Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed oo maanta shir jara’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in xaqiraad uu ku sameeyey hormarka ay gaareen sida hadalka uu u dhigay Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo uu eedeyn gaar ah u jeediyey.
Waxaa uu sheegay in hadalada ka soo yeeray wasiir Axmed Macalin Fiqi uusan kali ku aheyn balse ay jiraan sida uu qabo dad kale oo sidiisa ka hor keenay dowladda Soomaaliya wadamada caalamka.
Sida oo kale wasiir Cali Xasan oo ah afhayeenka Xukuumadda Somaliland ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya aanay awoodin in safiirrada u yimid in ay ka celiyaan Hargeysa, halka aysan wax ka bedeli karin sida uu hadalka u dhiagay nidaamka ay degsadeen.
Dhanka kale, waxaa uu fariin u diray beesha caalamka oo uu ka dalbaday in aqoonsi siiyaan Somaliland, sida oo kalane ay deeqaha kaga yimaada Soomaaliya hada ka dib si toos ah iyaga ugu soo wareejiyaan.
“Maadaama Somaliland aad qirteen (Beesha Caalamka) in ay tahay dowlad wax walba u dhanyihiin inaa deeqaaha Somaliland si toos ah u siisaan. Waxaanu soo jeedinaynaa oo codsaneynaa IMF, World Bank iyo dowladaha deeqaha bixiyaaba inay Somaliland deeqahooda kordhiyaan inay si toosa ula macaamilaan” ayuu yiri wasiir Cali Xasan.
Waxaa uu intaasi ku daray in Soomaaliya aanay waxba isku laheyn, halka uu carrabaabay in shacabkooda u qalmin in dhaqaale kaga yimaado Soomaaliya, isaga oo fariin gaar ah u diray shacabka Somailand.
“Soomaaliya oo aanan waxba isku laheyn oo aad ogtihiin oo aad qireysaan inaan 25, 30 sano dowlanimada kala horeyno, inaanay noqonin Fiqi iyo kuwa la midka ah wax fasaxooda dhaqaale inoogu yimaado, taasi dadkeeda uma qalanto. Ummadda Somaliland oo dhan waxaan leeyahay wixii cadowagiinaa waa idiin wada muuqdaahe meel uga soo wada jeesta”. ayuu yiri Xasan.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya ka dib markii wasiirka rimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay isla xisaabtan ku wado safiirro qaar uu tilmaamay in arimaha gudaha dalka ay faragalin ku sameeyeen.
HBN ONLINE TV