Golaha Wakiilada Somaliland oo dib loo dhigay kalfadhigoodii mudo todobaad ah

Warqad ka soo baxday xafiiska xoghaya golaha wakiiladda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay kalfadhigoodii 10-aad, taasi oo ka bilaabatay maanta 16-ka bisha November ah.

Xubnaha golaha ayaa la sheegay in weli ay ku maqanyihiin intooda badan arimaha doorashada madaxtooyada iyo ururada siyaasadda, sidaasi awgeedna dib loo dhigay, iyada oo ay soo korortay tacsiga taala ee Allaha unaxariisto’e madaxweyne hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waxaa waraaqda lagu sheegay in uu dib loo furi doono kulanka golaha wakiiladda 23-ka bishaa oo ku beegan maalin sabti ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed