Jubbaland oo ka hortimid Xeerka Dhismaha Guddiga Doorashooyinka ee labada gole ansixyeen

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay inuusan sharci aheyn Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha ee labada gole ansixiyeen.

Wasaaradda ayaa sheegtay in aqlabiyadda xildhibaanada Barlamaanka ee ku matala Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Jubaland iyo Puntland aysan qeyb ka ahayn kalfadhiyadii la hor keeney xeerka doorashooyinka Qaranka.

“Talaabada sharcidarada ah ee maanta Baarlamanka qaaday iyadoo wadahadalo iyo waan waan socotay Waxay cadeyn u tahay in madaxda dalka aysan diyaar u ahayn wadahadal, isdhagaysi, isixtiraam, iyo tanaasul loo sameeyo ummada Somaliyeed lana dhawro dastuurka, iyagoo caadeysatey dhaqanka ah “loo joojin mayo” oo keenaysa Qalalaaso iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo hada sii xoogaysanaysa”. ayaa lagu yiri, Warsaxaafadeedka ka soo baxay Jubbaland.

Dhanka kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri: “Waxaa ayaan daro ah in Madaxda DFS ay dhegaha ka fureysteen baaqyada iyo talooyinka siyaasiyiinta iyo Bulashada Somaliyeed, iyagoo ay u cadaha waxa ay rabaan oo kaliya oo ah in labada Aqal ee Baarlamaanka ay marsadaan xeerar iyo habraacyo aan loo dhamayn”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed