Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ATMIS ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyey wejigii saddexaad ee dhimistiisa, iyada oo warbixin laga soo saaray maanta oo Sabti ah lagu sheegay in la gaaray talaabo muhiim ah oo isku-tashiga amniga qaranka ah.
Tan iyo markii uu bilowday dhimista 2023-kii, AMISOM oo loo bedelay ATMIS ayaa warbixinteeda lagu sheegtay in ay ku guuleysatay in 21 xarumood oo militari ah ay ku wareejisay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, waxayna dalka ka saartay 9,000 oo askari.
Dhimistan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyadda bixitaanka ATMIS, iyada oo isku diyaarineysa in ay dhameystirto howsheeda oo ku eg 31-ka bisha December ee sanadkan 2024-ka.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si tartiib tartiib ah u dhimay joogitaankooda dalka, taasi oo ujeedadu tahay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dalkan dhaca geeska Afrika.
Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa la filayaa in uu bilowdo bisha Janaayo ee 2025-ka, si uu u guuleysto howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, micnaheedu tahay in la sii wado caawinta Soomaaliya si loo xoojiyo awooddeeda amni.
Waxaa uu diiradda saari doonaa Hawlgalka cusub taageerada istaraatiijiga ah, tababarka iyo iskaashiga ciidamada Soomaaliya oo ka tarjumaya ka gudbidda hawlgelinta tooska ah ee millatariga oo loo beddelay door la talin iyo taageero ah.
HBN Online TV