Somaliland oo looga dhawaaqay 2 maalmood oo baroordiiq ah & qabanqaabada aaska Axmed Siilaanyo oo socota

 

Somaliland ayaa looga dhawaaqday 2 maalmood oo baroordiiq ah oo ku aadan geerida madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa, waxaana ka socda magaalada qabanqaabada aaskiisa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saaray wareegto lagu fasaxayo shaqaalaha hay’adaha maamulka si loo diyariyo aaska iyo tacsida Madaxweynihii 4-aad ee Somaliland.

Maalmaha Axadda iyo Isniinta ee inagu soo aadan ee bishaan November ayuu sheegay Muuse in ay Somaliland u tahay maalmo tacsi ah.

Masuuliyiin kala duwan ayaa ka tacsiyadeeyey geeriyada Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo mdaaxweynihii hore ee Somaliland oo xalay ku geeriyadooday magaalada Hargeysa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed