Kulan wada jir ah oo maanta xarunta Villa Hargeysa ay ku yeesheen Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayey ku ansixiyeen xeerka dhismaha guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
173 mudane ayaa ayaa cod sida guddoonku sheegay ugu codeeyey codka aqlabiyad ah, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay.
Xildhibaannada ayaa ansixiyey 11-kii Bishaan Guddiga ku meel gaarka ah ee u xilsaaran dowladda Soomaaliya soo diyaarinta xeerarka Doorashooyinka, Ururrada iyo Xisbiyada, kaasi oo 170 Mudane ogolaatay.
15-ka xubnood ee loo xil saaray qaabeynta iyo falanqeynta xeer hoosaadka doorashooyinka iyo ururada siyaasadda ee dalka ayaa ku shaqeyn doona xeerka dhismaha guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka dalka iyo Soohdimaha.
Guddiga oo ku soo baxay Liis si wadajir ah u soo saareen Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa iska dhex doortay Guddoomiye iyo ku xigeenkiisa.
Dowladda Soomaaiya ayaa ku adkeysatay in dalka ay ka qabaneyso doorashada axsaabta Ururrada & Xisbiyada Siyaasadda ee dalka, taasi oo meesha ka saari doonta doorashadii dadbaneyd, iyada oo bedelkeeda la aadi doono mida dadweynaha ee qof iyo cod.
HBN ONLINE TV