Goobjoogayaasha caalamiga ah ayaa ku bogaadiyay komishanka doorashooyinka Somaliland doorashadii Arbacadii shalay oo ay si nabad ah ku qabsoontay, iyada oo ay xirmeen goobihii codbixintu ka dhacday ee guud ahaan gobalada Somaliland.
Kooxdan dublamaasiyiinta ah oo ay ku jiraan ergo ka kala socda Maraykanka, Ingiriiska iyo waddamo badan oo Yurub ah, ayaa booqday in ka badan 30 goobood oo codbixineed oo ku kala yaalla magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Berbera iyo Gabiley.
War saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen ayey ku bogaadiyeen sida dhexdhexaadnimada iyo hufnaanta leh ee Komishanku u maareeyeen sida hadalka u dhigeen diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo musharraxiinta.
Waxaa ay intaa ku dareen in tallaabooyinkani ay gacan weyn ka geysteen sidii ay bulshadu ugu kalsoonaan laheyd geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland.
“Hambalyo waxaan u hambalyeynayaa shacabka reer Somaliland oo si nabad iyo xilkasnimo ku dheehan tahay u gudatay xaqa ay u leeyihiin inay codkooda dhiibtaan,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.
waxaa intaasi lagu daray “Codbixiyayaasha ayaa ugu dambaynta go’aaminaya hoggaankooda, waxaanan u soo jeedinaynaa dhammaan xisbiyada siyaasadda inay aqbalaan natiijada doorashada oo ay ixtiraamaan sharciga.”
Komishanku wuxuu xaqiijiyay in goobaha codbixintu ay xidhmeen 6-dii galabnimo ee shalaay, iyada oo hadda codadka lagu tiriyay goobaha codbixinta, degmooyinka, iyo xarumaha gobolka.
Guddoomiye Muuse Xasan Yuusuf waxa uu sheegay in Komishanku si degdeg ah u xalliyey arrimo yar yar oo dhinaca farsamada ah, isla markaana la filayo inay natiijada ku dhawaaqaan 21-ka bishan November.
Komishanka doorashooyin ayaa sheegay in ka badan 1 milyan oo qof oo is-diiwaangeliyeen in ay codkooda ka dhiibtaan ku dhawaad 2,000 oo goobood.
General Maxamed Aadan Saqadhi, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xaqiijiyay in si nabadgelyo ah u dhacday doorashada, isaga oo sheegay in jirin wax dhibaato ah oo dhinaca ammaanka ah. Saqadhi waxa uu ammaanay dadaallada amniga ee la isku dubariday ee lagu ilaalinayo nidaamka iyo kala dambeynta guud ahaan goobaha codbixinta iyo xaqiijinta habsami u socodka hawlaha.
War-saxaafadeedkan oo ay ku saxeexnaayeen wakiillo ka kala socday dalalka Czech Republic, Denmark, Finland, Germany, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, UK iyo Maraykanka, ayaa lagu caddeeyay inay ka go’an tahay inay Somaliland ka taageeraan sidii loo heli lahaa madaxbannaanida dimuqraadiyadda.
Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Somalia sannadkii 1991-kii, balse aan aqoonsi caalami ah ka helin, waxay ku dedaalaysay inay dhidibbada u taagto maamul dimuqraadi ah, iyada oo raadinaysa sharciyad caalami ah.
HBN ONLINE TV