Wafdi dhexdhexaadiyaal Kenya ka socda oo galay wajigii labaad ee wada hadalada DFS iyo Jubbaland

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray wafdiga ka socda dalka Kenya oo ku jira dhex-dhexaadinta dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kuwaas oo horay u tegay Kismaayo, lana soo kulmay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Wafdigan culus ayaa waxaa maanta hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay ra’iisul wasaare XFS Xamsa Cabdi Barre oo ay ka wada-hadleen xaaladda labada dhinac.

Ugu horreyn xubnaha wafdiga ayaa ra’iisul wasaaraha la wadaagay dhambaal iyo salaan ay ka wadeen Madaxweynaha Kenya, William Ruto, waxayna ka dib ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee dariska ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo ganacsiga.

Wafdigan Kenyaanka ah oo kala ah Xoghayihii hore ee fulinta IGAD Amb Maxbuub Mocllim, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Amb Maxamed Cabdi Affey iyo Senatarkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Cali Xasan Colow, kuwaas oo ra’iisul wasaaraha u gudbiyay qorshahooda iyo halka uu marayo dadaalka ay wadaan ee dhex-dhexaadinta.

Dhankiisa ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wafdigan ka socday dowladda Kenya, doorkooda ku aaddan taageerada dowlad dhiska Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.
Kulankan ayaa ah mid hordhac ah, waxaana la filayaa in Villa Soomaaliya ay kasii socdaan shirar looga hadlayo xiisadda u dhexeyso dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Xubnahaan oo 4-tii bishaan magaalada Kismaayo kula kulmay madaxaweyne Axmed Madoobe ayaa madaxtooyada maamulkaasi sheegtay in ay ka wada hadleen masuuliyiintu “khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo DFS”, iyada oo sida oo kale tilmaantay in ay ka socdeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo “ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa’ xiisadda taagan.

Ergada Kenyaanka ah ee gar wadeenka ka ah khilaafka mudda bisha ka badan ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa hadda mamuuqato in aan natiijo ah wada hadaladoodu ka soo bixin, wallow maamulka Jubbaland uu sheegay in uu joojiyey wada shaqeyntii kala dhexeysay dowladda uuna qabsa doono doorashada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed