Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay in kaarka codeeyaasha uu sido aqoonsiga Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo caawa fariin gaar ah u diray codeeyaasha iyo dhinacyada siyaasadda ayaa sheegay marka hore dad cobixiyaasha in si naabd ah ku codeeyaan.

Dadka codeyn doona ayuu sheegay in kaarkarkooda ay sidaan Nabad, midnimada Somaliland, hormarinta iyo aqoonsi buuxa oo caalamka looga helo, isaga oo kula dardaarmay ka madaxweyne ahaan in indhaha caalamku soo eegayaan.

Sida oo kale waxaa uu ka hadlay dowladda Soomaaliya oo tilmaamay in aanay weli gaarin sida hadalka uu u dhigay in lagu doorto goobaha fagaarayaasha ah iskaba daaye doorasho dadweyne.

“Waxaan hubbaa dowladda Xamar in weli aanay gaarin iska dhaaf doorashadii dadweyne’e, xataa madaxweynaha leh intaa adduunka waa la i aqoonsanyahay in shir weyn lagu doorto aan la gaarin”.

Waxaa uu intasai ku daray “Waxaa doorta dhowr boqol oo Baarlamaan ah oo iyagane qaarkood aad ogeydeyn tii isaga lagu doortay (madaxweyanaha hadda ee Soomaaliya), in wajigooda qaar xirnaa dadka dooranaya” ayuu yiri madaxweyne Muuse.

Waxaa uu carrabaabay in ay gaareen hormar weyn, taasi oo sabab u ahaayeen shacabka Somaliland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed