Sida laga soo xigtay Komishanka Doorashooyinka Somaliland, in ka badan 1 milyan oo qof ayaa iska diiwaan-geliyay in Arbacada u dareeraan codeynya maalinta doorashada, si ay u doortaan madaxweynaha shanta sano ee soo socda.
Saddex musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha talada haya Muuse Biixi Cabdi oo doonaya in uu kursiga markale majaraha u qabato ayaa la kulmaya cadaadisyo kaga imaanaya dhinaca mucaaradka. Muuse, oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa mar labaad u tartamaya doorashada Arbacada.
Waxa la tartamaya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo ka tirsan xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo xisbiga UCID ah, halka mid kasta oo ka mid ah saddexda musharax uu ballan qaaday inay xoojin doono sida hadalka uu u dhigay dimuqraadiyadda, kobcinta kobaca dhaqaalaha iyo raadinta aqoonsiga caalamiga ah.
Muuse Biixi oo loo doortay madaxweynaha Somalilad 2017-kii ayaa sheegay in horumar laga samayn doono heshiiskii muranka dhaliyay ee badda ee ay la saxeexdeen Itoobiya horaantii sanadkan, isaga oo wareysi gaar ah siinayey VOA Somali.
“Dhinacayaga, annagu [Somaliland] xor baannu nahay, waxaanu diyaar u nahay fulinta heshiiskii is-afgaradka ahaa, waxaanan ka sugaynaa dhinaca Itoobiya si aanu u sii wadno,” ayuu yidhi Muuse Biixi. “Itoobiya waxay u baahan tahay inay hesho badda, waxaanan u baahanahay aqoonsi, MOU-na wuxuu ku saabsan yahay baahiyahaas.” ayuu sii raaciyey.
Doorashadan ayaa noqonaysa tii afaraad oo madaxweyne ah, tan iyo markii gobolka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya uu sheegay in uu ka go’ay dalka intiisa kale, ka dib burburkii dowladdii dhexe sannadkii 1991-kii.
Doorashadii u dambaysay ee madaxtinimo ee Somaliland waxa la qabtay 2017-kii. Doorashada madaxtooyada ee hadda jirta ayaa markii hore lagu waday in ay qabsoonto 2022-kii, laakiin dib ayaa loo dhigay ilaa 2023, dibna mar kale ayaa dib loogu sii dhigay November 2024, ka dib markii madaxweyne Muuse Biix Cabdi loo kordhiyay muddo xileedka aqalka baarlamaanka.
Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa wakhtigaas sheegay in dib u dhacyadu ay sabab u yihiin “Waqtiga, Farsamada iyo ciriiriga dhaqaale”. Xisbiyada mucaaradka ayaa si kulul u cambaareeyay dib u dhacaasi.
Madaxweynaha waxaa si toos ah loo soo doortaa ugu badnaan labo xilli oo shan sano ah, wuxuuna soo magacaabayaa Golaha Wasiirada.
HBN ONLINE TV