Nin Itoobiyaan ah oo lagu dilay degmada Guriceel ee Galmudug

Faahfaahino ayaa ka soo baxay dil iyo dhaawac loogu geystay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud laba nin oo itoobiyaan ah oo ku noolaa magaalada.

Sida wararka hordhaca ah ku heleyno nin ku labisan darees Ciidan ayaa la sheegay in toogasho uu ka geestay geyrashka biraha lagu uruuriyo oo ku yaala Waaxda Istarliin ee Xaafada Wadajir degmada Guriceel, waxaa uu ku dilay nin ka mid ahaa Itoobiyaanka ka xamaasha biraha la soo uruuriyo, halka uu dhaawac daran goobta looga qaaday nin kale oo itoobiyaan ah.

Wali lama oga sababta ka dambeysa toogashadan lagu beegsadey raggan ka soo jeeda Itoobiya ee xamaalka ka ahaa Guriceel biraha.

Guriceel oo ka mid ah magaalooyin ay aadka u joogaan dadka Itoobiyaanka ayaa waxaa mararka qaar ay kala kulmaan dadka deegaanka faquuq, iyada oo dad badan ay waxgaradka deegaanku gaadiid dib ugu daad gureeya ka saareen magaalada si waxyeelo u soo gaarin.

Laamaha Amniga degmada kama hadlin dhacdadaan dadka Itoobiyaanka loogu geystay magaalada iyo in la soo qabtay ruuxii ka dambeeyey dilka dadkaasi magaalada loogu geystay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed