Wasiirka gaashaandhiga Israa’iil oo ku baaqay in la duqeeyo xarumaha nukliyeerka Iiraan

Wasiirka cusub ee difaaca Israel, Israel Katz ayaa lagu soo waramayaa inuu ku baaqay in la weeraro xarumaha Nukliyeerka ee Iran.

“Iran aad ayay ugu nugushahay sidii hore in ay waxyeelo loo geysto xarunteeda nukliyeerka, waxaa jirta [hadda] suurtagalnimada in meesha laga saaro khatarta,” ayuu yiri Katz oo wargeyska Jerusalem Post uu soo xigtay xog laga helay xafiiskiisa.

Katz wuxuu horey u ahaa wasiirka arrimaha dibadda wuxuuna hadda la wareegay xilka wasiirka difaaca ka dib markii shaqada laga ceyriyay wasiirkii ka horreeyay Yoav Gallant.

Israa’iil ayaa Iran ku eedaysay in ay ku dadaalayso sidii ay u samayn lahayd bambooyinka nukliyeerka. Iran, oo gabi ahaanba ka soo horjeeda jirtaanka Israa’iil, waa ay beenisay taas.

“Waxaa jirta suurtagalnimada in la gaaro yoolka ugu muhiimsan, si loo fashiliyo lagana saaro meesha khatarta baabi’inta ee ku wajahan xukuumada Israa’iil,” ayuu yiri Katz oo wargeyska Times of Israel uu soo xigtay.

Israa’iil ayaa ku andacootay in ay burburisay xarumaha raadaarada iyo gantaallada ee Iran weerar ay fulisay bishii Oktoobar, arinkaasi oo Tehraan ay si adag u beenisay.

Si kastaba ha ahaatee, xarumaha Nukliyeerka ee Iran ayaa qayb ahaan ku yaala godad qoto dheer , sida ay khubaradu sheegeen, Israa’iil awood uma laha inay burburiso ama gaarto goobahaasi.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ka soo horjeeda weerarka lagu qaaday xarumaha nukliyeerka ee Iiraan, waxaanse la ogayn sida madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, uu isagu u wajihi doono arrintan, iyadoo Israa’iil ka rajeynayso inuu qaato go’aan lagu weeraro Iiraan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed