Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad uu ka jeediyay shir madaxeedka dowladaha Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalada Riyaad ee boqortooyada Sucuudiga Carabiya ayaa soo hadal qaaday xaaladdaha Beni-aadannimo ee ay wajahayaan shacabka ree Falastiin iyo Lubnaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadal-jeedintiisa ku dul istaagay mugga qasaaraha gaaray shacabka Biri mageydada ah Falastiin iyo Lubnaan, xasuuqa aan loo meel dayin iyo burburka kaabayaasha nolosha ee labadaas shacab soo gaaray, isaga oo soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee xalka Nabad waarta oo ka hanaqaadda Bariga dhexe.
“Qadiyadda Gaza, waa mid ka gun weyn siyaasad iyo afkaar intaba, waxa ayna salka ku haysaa xuquuqda aadanaha, karaamada iyo caddaaladda. Xalka nabad waarta oo bariga dhexe ka dhalata, waxa uu ku imaan karaa oo kaliya in la sameeyo dowlad Falastiini ah oo leh xuduudaheedii 1967-kii, caasimaddeeduna tahay Qudus” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda dowladdaha Shirka ka qeyb galaya iyo beesha caalamka in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo gurmad degdeg ah lagu gaarsiinayo shacabka dhibaateysan, waxa uuna soo jeediyay in la dhaqan galiyo xabad joojin degdeg ah, isla markaana dib loogu laabto miiska wada hadallada.
Soomaaliya oo meelo kala duwan kaga hadashay qadiyadda Falastiin ayaa sheegtay in marnaba aanay ogoleyn in lagu tunto xaquuqda shacabka iyo dowladda dalkaasi uu leeyahay.
HBN ONLINE TV