Diyaargarowgii ugu dambeeyey ayaa ka socda goobaha codbixinta ee Doorashada Somaliland, waxaana la sii diyaariyey agabka muhiim u ah doorashada, sida teendhooyinka iyo sanaadiiqda cod bixinta.
Goobaha codbixinta ayaa waxaa la sii geeyey teendhooyinka iyo sanaadiiqda codka lagu dhiiban doono, waxaana la dhisay goobo gaar ah oo loo asteeyey in dadka codkooda kaga dhiibtaan.
Meelaha hadda laga hirgaliyey waxaa ka mid ah magaalda Hargeysa, iyada oo ay ku xigi doonaan magaalooyinka kale.
Doorashada Somaliland oo ay ku tartami doonaan 7 urur iyo seddex xisbi ayaa ah mid dhacdooyin gaar ah wadata, waxaana sida la qorsheeyey codkooda dhiiba doona Milyan iyo bar ku dhawaad.
13 November oo ah wakhtiga loo qorsheeyey in doorasahadu dhacdo ayaa waxaa inaga xiga saacado kooban, waxaa Doorashada kor joogteyn doona ergooyin ka kala socda wadamo kala duwan.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay ayaa sheegtay in doorashada ka dhaceyso Somaliland ay u rajeyneyso in si nabad ah u dhacdo.
HBN ONLINE TV