Dhaqdhaqaaqayaasha arrimaha bulshada ee dalka Suudaan ayaa ku eedeeyay Ciidamada Gurmadka Degdegga ah inay ku dileen 1,237 qof bariga iyo waqooyiga gobolka Al-Jaziira tan iyo 20-kii bishii Oktoobar, iyadoo lagu jiro barakicin lagu bartilmaameedsanayo in ka badan 400 oo tuulo.
Hay’adda Al-Jaziira, oo ah hay’ad rayid ah oo la aasaasay kadib markii Ciidamada Gurmadka Deg Deg ah ay la wareegeen gobolka Al-Jaziira ee bartamaha Suudaan bishii Diseembar ee sanadkii hore, ayaa xaqiijiSay in dhimashadan ay sabab u yihiin weerarrada ciidamada RSF, go’doominta lagu hayo gobolka iyo cudurrada faafa.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in barakicinta khasabka ah ee ka dhacday degmada bari ee gobolka ay saameysay in ka badan 400 oo tuulo oo ka mid ah 514-ka tuulo ee guud ahaan gobolka uu ka kooban yahay.
Dhanka kale, bayaan ka soo baxay Nidaa al-Wasat, oo ah hay’ad rayid ah oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqayaal, ayaa sheegtay in magaalada al-Hilaliya “ay ku jirto go’doon muddo 17 maalmood ah, halkaas oo in ka badan 300 oo muwaadin, oo ay ku jiraan carruur, waayeel iyo bukaan, ay ku dileen Ciidamada Gurmadka Degdegga ah, dadkaasi oo halis ugu jira inay u dhintaan si naxariis la’aan ah.”
Bayaanka ayaa intaa ku daray in tirada dhimashada ay ka mid yihiin carruur ku sumoobay cuntooyin iyo biyo sumaysan, iyo sidoo kale rasaasta ciidamada RSF.
Tan iyo Oktoobar 20-keedii, RSF ayaa ku qaaday weerarro aargoosi ah goobtan, kadib markii sarkaalkii ciidanka Taageerada Degdegga ah ee gobolka Al-Jaziira, Abu Akla Kikel, uu goostay oo ku biiray ciidanka Suudaan.
HBN ONLINE TV