Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta cod gacantaag ah ku ansixiyay Guddiga Madaxabannaan ee Xuduuddaha iyo Doorashooyinka Dowlad-Goboleedkaas oo xalay uu magacaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa markii Ajandaha loo qaybiyo Xildhibaannada ka codsaday in ay aqbalaan xubanaha la magacaabay si maamulka uga dhacdo doorasho dadban.
Kulanka xildhibaannada ayaa waxaa xaadirtay 66 Mudane, waxaana uu sidaas uga dhaqangalay codsiga Madaxweynaha Jubbaland ee la xiriira in uu Baarlamaanka u codeeyo Guddiga Madaxabannaan iyo Xuduuddaha.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii la magacaabay Guddigaan ka soo horjeysatay maadaama dalka uu u jiheystay doorasho dadweyne.
Sida oo kalane uu dhamaaday wakhtigii saxda ahaa ee muddo xilheynta sida hadalka loo dhigay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, iyada oo loogu baaqay shacabka deegaannadaasi degga in ay difaacdaan xaquuqdooda dastuuriga ah ee xaqa u leeyihiin.
HBN ONLINE TV