Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay in Itoobiya laga reebay howlgalka cusub ee qorshuhu yahay in uu bilowdo sanadka soo socda ee 2025.
In laga reebo howlgalka Itoobiya ayuu Wasiir Cabdulqaadir ku tilmaamay in ay ka dhalatay ka dib markii ay ku xadgudubtay qarannimadda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama ay shaacisay heshiis ay la gaartay Somaliland.
Sida oo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan Dalal cusub oo soo dalbaday ka mid noqoshada howlgalka AUSSOM balse dhawaan la shaacin doonno sida uu hadalka u dhigay marka la soo gabagabeeyo buuxinta shuruudaha looga baahanyahay.
“Itoobiya oo ku soo xadgudubtay Qarannimadeenna iyo Midnimadeenna waxa ay ka hartay howlgalka AUSSOM, howlgalkaan cusub waxa uu noqon doonnaa nambar aad u yar, goobaha ay joogi doonnaan waxa ay noqon doonnaan kuwo aad u yar, waxa ay ciidanka qaranka ka caawinayaan arrimaha farsamada” ayuu yiri wasiir Jaamac.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gudbisay qaraar ka dhan ah Itoobiya si looga reebo ka mid noqoshada howlgalka cusub ee AUSSOM.
Xukuumadda Addis Ababa ayaa waxaa dalka ka jooga ciidamo qaarkoodood fasax ka heysta ATMIS iyo kuwo kale oo aan la ogeyn ujeedka joogitaankooda ee gudaha Soomaaliya, balse waxaa la filaa in dhamaantood guuri doonaan haddii howlgalka laga saaro.
HBN ONLINE TV