Madaxweyne Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka maalgashiga Jarmalka iyo Afrika

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka uga qeybgalay Shirka Maalgashiga Jarmalka iyo Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkaan oo ah mid sanadkiiba mar qabsooma ku soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka Soomaaliya iyo dadaalada dowladda ee ku aadan ee horumarka iyo xasilloonida.

Sida oo kale wuxuu shirka ka sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in Soomaaliya ay ku guulaystay qorsheyaal isbeddel dhaqaale iyo waliba diyaarinta sharciyada dhowrista maal gashadayaasha.

“Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah oo aasaas u ah kobaca dhaqaale, shaqo abuur, la tacaalida isbedelka cimilada iyo amni darrada, isagoo bogaadiyay shirkan oo diiradda saaray sidii loo abuuri lahaa nidaam soo jiita maal gashadayaasha” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxooyada Soomaaliya.

Shirkaan maalgashiga ah ee Jarmalka iyo dalalka Afrika ayaa ah mid sanad walba hal mar ka dhaca dalkaasi Jarmalka, kaasi oo fursad gaar ah ka heshay sanadkan Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo ku wehlinaayay shirkaan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay dhankiisa in Soomaaliya ay soo dhaweynayo maalgashadeyaasha caalamiga ah, isagoona xusay iney heli doonaan shacab ku tilmaaman firfircooni iyo hal abuur ganacsi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed