Saraakiil ka socota Waaxda Dabagalka Danbiyada Kenya ayaa sheegay in ku guda jiraan baaritaanka kiis kale oo ah qof dumar ah oo meydka si arxan daran loo jarjaray oo laga helay xaafad ka tirsan magaalada Nairobi, kaasi oo lala xariiriyey in uu lug lahaa eedeysane Haashim Dhaqane Maxamuud .
Meydka oo si xun loo jarjaray ayaa laga helay qabuuraha xaafadda Langata 31-kii bishii hore Octobar, waxaana DCI-da ay sheegtay in baarayaasha ka socda ay gaareen guul weyn oo daaha ka rogtay hawlaha Haashim Dhaqane oo ah eedeysanaha ugu weyn dilalkii naxdinta lahaa ee loo geystay hooyo, gabadheeda iyo gabadh 12-jir ah oo kale.
DCI-da ayaa sheegtay in iyaga oo raacaya xogta muuqaalada keydka ay goobta ka heleen cadeymo muhiim ah. Dambi baarayaashu ayaa tagay dukaanka Quickmart oo ku yaalla magaalada, halkaas oo ay ogaadeen in dhibanaha dilka arxan darada ah loo gaystay ay aheyd haweeney ay qabatay kaamirooyinka CCTV-ga oo wax iibsanaysa 29-kii Octobar.
Sida oo kale, waxaa la xaqiijiyey in haweeneyda markii ay wax iibsatay ka dib ay u dhaqaaqday guri ku yaalla Lavington, halkaas oo ay markale ay qabateen kaamirooyinka CCTV-ga iyada oo galaysa gurigaas.
Waaxda ayaa sheegtay in iyaga oo haysta xogta caluumaadkaasi ay dambi baarayaashu ogaadeen in haweeneyda ay la socotay Haashim Dhaqane oo gurigaas ku noolaa, halkaasi oo ay waqti ku wada qaateen ka hor intaan Haashim Dhaqane la arkin 31-ka bisha Octobar, isaga oo guriga ka baxaya, sitana laba bacood oo sida hadalka loo dhigay la tuhunsan yahay in ay ku jireen jirka dhibanaha, kuwaas oo isla maalintaas laga helay qabuuraha Langata.
DCI-da ayaa sheegtay in la xaqiijiyey in ka dib markii Dhaqane uu guriga ka tagay uu milkiilaha guriga uu ogaaday wixii dhacay, intaas ka dibna uu nadiifiyey goobta, qolalkana dib u rinjiyeeyey ka hor intaanu is qarinin. Waxaa hadda la baadi goobayaa mulkiilahii guriga.
Waaxda Dabagalka Danbiyada Kenya ayaa carrabowday in la aaminsan yahay in haweeneyda la sheegay in la waayey ay noqon karto Deeqa Cabdinoor Qorane oo laga diiwaan geliyey in ay maqan tahay saldhigga booliska ee California 24-kii bishii Octobar.
“Qaybaha jirkeeda ayaa lagu sameynayaa baaritaan cilmiyaysan si loo xaqiijiyo aqoonsiga dhibanaha” ayaa lagu yiri warbixinta Waaxda Dabagalka Danbiyada Kenya.
HBN ONLINE TV