Xilkii wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xildhibaan Saadaam Maxamuud Cabdi ayaa sheegay in uu iska casilay golaha xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo deegaan doorashadiisu ay tahay Puntland.
Xildhibaankaan ayaa waxa uu ka mid ahaa Xildhibaano dhowaan la tashiga ay ugu yeertay Puntland, kulanna kula soo qaatay Garowe Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Qoraal oo uu soo saaray ayuu waxa uu ku sheegay in is casilaaddiisa ay keentay ka dib markii Madaxda Dowladda sida hadalka uu u dhigay ay kala dhantaaleen wadajirka Soomaaliya iyo in mashaariicda Puntland loo joojiyay Siyaasad darteeda.
Sida oo kale Madaxda ugu sarraysa ayuu ku eedeeyay sida uu qabo in dhibaato ay ka abuureen Gudaha Dalka iyo kala fogeyn bulshada deegaannada isaga laga soo doortay ee Puntland.
Waa wasiir ku xigeenkii seddexaad ee iska casila todobaadkan gudahiisa, iyada oo oo casilaadaan lagu micneeyay mid ku qotonta khilaafka Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Jubaland.
HBN ONLINE TV