Jubbaland oo askarteeda ka mamnuucday in ay ilaalo u noqdaan Musharrixiinta ka qeyb galaya doorasha maamulkaasi

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga gudaha Jubbaland ayaa ciidamadeeda ugu mamnuucday in ay ilaalo u noqdaan musharrixiinta iyo daneeyaasha ku sii qulqulaya Magaalada Kismaayo oo xarun ku meel gaar ah u maamaulkaasi.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka ayaa lagu wargeliyay in ay joogaan goobaha ay ku shaqeeyaan, iyada oo looga digay banaanka aan lagu arki karin askari wata hub, haddii uusan ku jirin shaqo loo igmaday.

Wasiir ku xigeenka ahna ku simaha Wasiirka Amniga Gudaha Jubbaland Gen. Axmed Aadan Xaaji ayaa sheegay in musharrixiinta u tartameysa kuraasta kala duwan ee doorashadooda dhowaan Jubbaland qabanayso ay wargelin sameeyaan si loogu diyaariyo ilaalo.

Warka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland ayaa lagu carrababay in ammaanka deegaannada maamulkaasi uu yahay mid la isku haleyn karo, sidaas awgeed aanay la aqbali karin sida hadalka loo dhigay in dhaawac loo geysto.

Axmed Maxamed Islaam Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhowaan sheegay in uu qabanayo doorasho, waxaa jira musharrixiin badan oo walaac ka muujinaya si wax loo maamulayo iyo xaaladda isku haleynta amnigooda ciidan aysan iyagu amarkooda laheyn.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed