Cunsurigii kitaabka ku gubay Sweden & Denmark oo xabsi loo taxaabay.

Rasmus Paludan, oo ah siyaasi midigta-fog ah oo haysta dhalashada Denmark & Sweden isla markaana caan ku ah kicinta dareenka diimeed ee Muslimiinta ka dib markii uu ku gubay nuqullada Kitaabka Quraanka gudaha Sweden, ayaa lagu xukumay afar bilood oo xabsi ah, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi.

Maxkamad ku taalla degmada Malmo ayaa siyaasigan midigt-fog ah ku eedaysay falal kicin ah oo ka dhan qowmiyad iyo aflagaado uu u geystay Carabta iyo dadka Afrikaanka ah intii lagu jiray isu imaatinnadii dadweynaha ee sanadkii 2022 ee ka dhacay Sweden, sida laga soo xigtay warbaahinta qaranka SVT.

Paludan, oo ah hoggaamiyaha xisbi siyaasadeedka Denmkar ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee Sweden lagu xukumo ama lagu soo eedeeyo aflagaado ka dhan ah Muslimiinta isaga oo gubaya nuqullada Quraanka kariimka ah.

Bishii Abriil ee sanadkii 2022, Paludan waxa uu qabtay kulan dadweyne oo uu ku gubay nuqullada kitaabka barakaysan ee Qur’aanka, taasoo dhalisay rabshado ka dhacay magaalooyin ay ka mid tahay Malmo iyo kuwa kale.

Sida laga soo xigtay warbaahinta, siyaasigu wuxuu ku dhawaaqay dhowr hadal intii lagu guda jiray kulamadaas, kuwaas oo dacwad oogaha degmadu ku eedeeyay inay yihiin kicin ku saleysan nacayb ka dhan ah qowmiyad gaar ah.

Paludan waxaa sidoo kale lagu eedeeyay weeraro hadal ah oo ku salaysan cunsuriyad ka dhan ah Carabta iyo Afrikaanka, kulamo dadweyne oo kale oo isla sannadkaas dhacay.

Gubista Quraanka ee Sweden iyo Denmark, ayaa dhacday xagaagii 2023 iyada oo lagu marmarsiyoonayo xorriyadda hadalka, taasi oo dhalisay mudaaharaadyo caro huwan oo ka dhacay waddamada Muslimiinta, oo ay ku jiraan weeraro lagu qaaday xarumaha diblomaasiyadeed ee Sweden leedahay.

Natiijadaas awgeed, Denmark waxay bishii Diseembar ee la soo dhaafay soo saartay qaanuun mamnuucaya in la gubo nuqullada Kitaabka Quraanka. Laakiin Sweden, waxay soo saartay qaanuun booliiska u ogolaanaya inay diidaan gubista Kitaabka Qur’aanka haddii ay u arkaan mid wax u dhimaysa amniga guud.

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa ku booriyay dalalka xubnaha ka ah ururka inay qaadaan tallaabooyin siyaasadeed iyo dhaqaale oo ku habboon falalkaan, kuwaasi oo ka dhan ah Sweden, Denmark, iyo dalal kale oo ogol gubista kitaabka Quraanka Kariimka.

Ururku waxa uu ka digay in ay lagama maarmaan tahay in la joojiyo ficilkan oo lagu sifeeyay “ficil dagaal ah oo ay ka muuqato nacayb iyo ixtiraam la’aanta diimaha, isla markaana khatar gelinaya nabadda, amniga iyo is-dhexgalka caalamiga ah.”

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed